Dhalinyaro kasoo jeeda beelaha Abgaal oo Muqdisho kusoo qulqulaya kadib arin halis badan ugu soo barakaceen gobolka Galgaduud

Dhalinyaro kasoo jeeda beelaha Abgaal oo Muqdisho kusoo qulqulaya kadib arin halis badan ugu soo barakaceen gobolka Galgaduud

daajis.com:- Barakac dhallinyaro oo aad u ballaaran ayaa ka soconaya deegaanno ay ka mid yihiin degmada Ceel dheer, Galcad, Gal-Libaax, Bud Bud, Masagawaay, Ceel Hareeri, Meexaan, Cali Afrax, Cows Weyne, Cali Yabaal, Maraayga Soddonka, Maraay Suuley, Tixle, Bargaan, Jacar, Galhareeri iyo Deegaano kale oo fara badan.

Barakacan ayaa billowday kadib markii uu ammar kasoo baxay xarakada Al Shabaab oo ka dalbaday Odayaasha Beelaha iney kusoo wareejiyaan dhallinyarada da’doodu u dhaxeyso 13-16 ilaa 25 sano jirada, kuwaas oo la sheeshey in loo furi doono tababar si ay ugu qeyb qaataan dagaalada ay kooxdu ku jirto.

Waxaa lagu soo waramayaa in magaalada Muqdiaho ay kusoo qul qulayaan dhallinyaro aad u badan oo eheladoodu kala soo cararay in caruurtooda loo adeegsado dagaallo, lagu abuuro fikradaha Al Shabaab oo ku saleysan mayal adeegga.

Sidoo kale xaralada Al Shabaab waxa ay codsadeen in lacago fara badan usoo uruuriyaan wax ay ku sheegeen mujaahidiinta, waxaana Odayaasha beelaha la faray in si deg deg usoo uruuriyan lacagahaas.
Nabaddoon magaciisa diiday ayaa Warfaafiye u xaqiijiyay in Al Shabaab ka war heleen barakaca dhallinyarada ku qulqulaya Magaalada kaddibna qoys kasta lagu war geliyay in caruurtooda dib usoo celiyaan haddii kale xoolahoodu la wareegi doonaan.

Muran badan ayaa ka taagan dhallinyaro dib loo celin rabay markii ay Xamar yimaadeen kuwaas oo soo dalbaday waalidkood kaddib markii ay hanjabaad adag uga timid kooxda Al shabaab.

Dowladda Federaalka ayaan ku baraarugsaneyn falkan barakaca ah oo dhallinyaro badan mustaqbalkoodu halista ku jiro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada