Galmudug oo taageertay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Galmudug oo taageertay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

daajis.com:-Maamul Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee taageera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray dalka yar ee Qatar.

War saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa is bar bar taag loogu muujiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, oo lagu sheegay in xiriir soo jireen oo taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aan ka gaartay 6-dii bishii June, iyadoo aan la tashanin dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxay saameyn doontaa dhamaan Soomaalida oo dhan meel kasta”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in Xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, sababo ku aadan xiriirka taariikhiga ah iyo istiraatiijiga ay la leeyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya xiriir ganacsi oo weyn la leedahay Imaaraadka Carabta 20-kii sanno ee u dambeeyay, iyadoo aan la iska indho tireyn horumarka iyo amniga ay Imaaraadka Carabta la garab taagan tahay dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan si cad u qireynaa in Soomaalidu iyo Sucuudi ay leeyihiin xiriir wanaagsan, oo dib ugu noqda bilowga Islaamka iyadoo lala xiriirinayo xiriiro dhaqameed oo dheeri ah iyo ganacsi ilaa hadda”ayaa lagu yiri War saxaagafeedka.

Dhinaca kale waxaa laga codsaday dowladda Soomaaliya inay dib u eegto mowqifkeedii dhex dhexaadka ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka, isla markaana ay tixgeliso walaaca ay qabaan dowlad goboleedkada,
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Messagaway, waxaana uu u xaqiijiyay inuu yahay mid sax ah war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ee ku aadan mowqifka ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada