daajis.com:- Magaalada Konya ee Dalka Turkiga waxaa isku mar umulay Hooyo Syrian ah oo lagu magacaabo Fatma Birinci oo 42jir ah,halka Gabadheeda Gade oo 21jir ah ay iyana dhashay Wiil sida hooyadeed oo kale.
Hooyo Fatma Birinci,Bidix,Gade Birinci Midig,Gabadheeda.
Labadooda waxaa ay saddex Sano ka hor ka carareen dalkooda Syria oo ay colaad sokeeye ka jirto,waxaana ay u qaxeen Dalka Turkiga.
Dr Erkan Ataş,oo booqanaya hooyooyinka isdhalay.
Dhaqtarka guud ee Isbitaalka Magaalada Konya ayaa booqday,waxaana uu yiri “waa wax cajiib ah oo aanan waligey maqal,saddex sano ka hor ayey ku soo qaxeen dalkeenna,manta Isbitaalka ayey labadooda ku dhaleen labo wiil”.
Gade Birinci,oo ah 21jir, ay isku mar dhaleen hooyadeed.
Labada Wiil ayaa loo bixiyay Magacyada Recep iyo Tayyip oo ah labada magic ee ugu horreysay Madaxweynaha dalka Turkiga,sida uu qoray Wargeyska Ensonhaber ee Dalka Turkiga.
Umulisada labada Haween ee is dhalay oo lagu magacaabo Naim Unsal,ayaa sheegtay in waxaa ay kula kulantay isbitaalkooda yihiin mucjiso ee aysan caadi ahayn,waligeedna ku fakarin dhacdadan oo kale in ay dhaceyso.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at