Kuuriyada Waqooyi oo gantaal kale dul marisay Japan oo jawaab Udiray Mareykanka.

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal kale dul marisay Japan oo jawaab Udiray Mareykanka.

daajis.com:-Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal dul marisay Japan, waana daandaansigii labaad ee noociisa ah ee dhaca todobadyo gudahood.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkani uu sare u kacay masaafo gaaraysa 770km uuna jaray 3,700km ka hor intii uusan ku dhicin badda Hokkaido.

Rai'iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisuu uusan "marnaba" u dulqaadan doonin ficillada halista ah ee Kuuriyada Waqooyi.

"Haddii Kuuriyada Waqooyi ay sii wado in ay ku sii socoto jidkaaas, mustaqbalku ma iftiimahayo," ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale cambaareeyay gantaalka ay ridday dawladda Kuuriyada Waqooyi.

Jawaabtiisa wuxuu culayska ku saaray Shiinaha iyo Ruushka oo ah dalal ay xiriir dhaqaale lee yihiin Kuuriyada Waqooyi oo Nukliyeer haysata.

"Shiinaha ayaa Kuuriyada Waqooyi ka iibiya shidaalka oogu badan, Ruushkuna waa dalka ugu badan ee shaqo siiya shaqaalaha la qasbay ee Kuuriyada Waqooyi u dhashay," ayuu yiri.
Shiinaha iyo Ruushka waxaa waajib ku ah in ay muujiyaan in aysan u dulqaadanaynin gantaalo tijaabinta qar iska tuurnimada ah iyaga oo qaadaya tallaabooyin u gaar ah oo iyaga ka soo go'ay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada