MUUQAAL: RW Kheyre oo Mareykanka Kula Heshiiyay Itoobiya, Uganda, Kenya, Burundi & Jabuuti & Kulamadii Madaxda China & UK

MUUQAAL: RW Kheyre oo Mareykanka Kula Heshiiyay Itoobiya, Uganda, Kenya, Burundi & Jabuuti & Kulamadii Madaxda China & UK

daajis.com:- Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi aheyn oo ay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.



Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arimaha amaanka iyo la dagaalanka Shabaab, waxaana ka hadlay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Uganda, Wasiirada dibada Kenya, Burundi iyo Jabuuti iyo sidoo kale Ra’isul Wasaare Kheyre.




Arimaha sida weyn diirada loogu saaray ayaa aheyd sidii dowlada Soomaalia looga garab siin lahaa xoreynta deegaanada Shabaab gacanta ugu jira iyo xariirka dalalkaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA


Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed oo kulankaas kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay ku heshiiyeen in Shabaab laga sifeeyo geeska Afrika.



Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa dhanka kale kulan la yeeshay Wasiirka arimaha dibadda China, Wasiirka Arimaha Afrika uqaabilsan UK  Rory Stewart , waxaana uu si weyn ugula hadlay arimaha Soomaaliya.



Dhanka kale RW Kheyre ayaa manta khudbad ka jeedin doona shirka Qaramada Midoobe, isagoo ka hadli doona arimaha Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada