Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Hubka sharci darada ahaa ee lagu qabtay Doonida

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Hubka sharci darada ahaa ee lagu qabtay Doonida

daajis.com:-Ciidamadda badda Puntland ee PMPF ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay qayb ka mid ah hub si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyay Puntland.

Hubkan ayaa saarnaa laash nooca shabaxa ah, waxaana laga dejinayay xili dambe oo xalay ah xeebta magaaladda Bosaso.

Hubka saarnaa doontan ayaa isugu jiray qoryaha dhashiikaha ,AK7 –ka , Qoryaha BKM-ka rasaas iyo qaybo kamid ah hubka noocyadiisa fudud,waxaana laga soo qabtay deegaanka Marooro oo qiyaastii 9km u jirta magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda Puntland, ayaa sheegay in qayb kamid hubka hadda gacanta lagu hayo laga soo qabtay biriga , xili la doonayay in gudaha loo soo galiyo Puntland ,mana uusan sheegin cidda uu sida gaarka ahi hubkani ugu socday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada