Sawirro: Wafdiga RW. Khayre ee ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey

Sawirro: Wafdiga RW. Khayre ee ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey

daajis.com:-Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ayaa ku sugan xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, iyagoo si rasmi ah ay uga qeyb galayaan shirka 72aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku fariisan doono Kursiga Soomaaliya ku leedahay xarunta Qaramada Midoobey, waxaana inta uu shirka socda uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin caalamka ka socda ee shirka ka qeyb galaya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Qorsheynta Amb. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi, Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, UK iyo Sweden oo ah Diblomaasiyiinta Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta jimcaha ee soo socota shirka ka jeedin doona khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya, is bedeladii dalka ka dhacay iyo horumaradii ay gaartay dowladda Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada