Kadib Muqdisho, Turkiga oo dalalka Khaliijka kaga adkaaday loolan kale

Kadib Muqdisho, Turkiga oo dalalka Khaliijka kaga adkaaday loolan kale

daajis.com:-  Loolanka saameynta Geeska Afrika ee Turkiga ay kula jiraan dalalka Khaliijka, ayaa ay guul kale ka gaareyn kadib markii ay gacanta ku dhigeen heshiis muhiim oo ku saabsan mashruuc laga fulinayo dalka Tanzania.

Saameynta Turkiga ee Bariga Afrika ayaa sii xoogeysanayey sanadihii ugu dambeeyey, ayada oo Turkiga ay maamulaan dekedda iyo garoonka Muqdisho, islamarkaana saldhig ballaaran ay ku leeyihiin caasimadda Soomaaliya.

Shirkadda Turkiga ee Yapi Merkezi ayaa ku guuleysatay qandaraaska dhismaha qad tareen oo isku xiri doona magaalooyinka Morogoro iyo Mako-Taboro.

Qadkan tareen ayaa muhiim u ah dekedda Dar es Salaam, waxaana la filayaa inuu ku kaco laba bilyan oo dollar oo ay bixin doonaan bankiyada Turk Eximbank iyo Exim Bank of China.

Heshiiskan ayaa waxaa laga xaajooday markii madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan uu bishii January booqasho ku tagey dalka Tanzania, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas John Magufuli.

Shirkadda Turkiga ayaa loolankan kaga adkaatay shirkado laga leeyahay dalalka Khaliijka.
Turkiga iyo Khaliijka, gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii dhowaa loolan xooggan uu kaga dhexeeyey siyaasadda Soomaaliya, ayada oo Imaaraadka marar badan ay isku dayeen inay Turkiga ka saaraan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada