DAAWO Caqabad cusub: Ethiopia oo ku biirtay dalalka halista u arka saldhiga Turkiga ee Somalia

DAAWO Caqabad cusub: Ethiopia oo ku biirtay dalalka halista u arka saldhiga Turkiga ee Somalia

daajis.com:- Dowlada Ethiopia oo kamid ah dowladaha deriska la ah Somalia ayaa durba dareen gaara ka muujisay dhismaha Saldhiga Militery ee uu Turkigu ku leeyahay Somalia.

Ethiopia ayaa la sheegay inay aaminsan tahay in Saldhigaasi uu caqabad gaara ku yahay danaha Ethiopia ee Somalia iyo xasiloonida ka jirta dalka Ethiopia.

Warbixino kooban oo ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in dhismaha Saldhiga Turkiga ee Somalia uu albaabada u xiray rajadii ay dowlada Ethiopia ka laheyd Gobolka.

Waxa ay qoreen in dowlada Turkiga ay kamid tahay dowladaha ugu quwada badan caalamka, balse ay awoodeeda ku baahineyso Geeska Africa si ay mustaqbalka dhow u gumaadan dowladaha Africa.

Shabakadda Turkpress oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qortay in dowlada Turkiga ay mucaarad badan ku kasbaneyso dhismaha iyo howlgalinta Saldhiga Militery sababo la xiriira istiraatiijiyada Saldhiga.

Warbixinta shabakadda waxaa lagu xusay in Turkiga uu kaalinta lixaad kaga jiro dalalka Saldhigyada Militery ku leh Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo ay Maraykanka, Faransiiska, Britain, Japan iyo Shiinaha ku yeesheen Saldhigyo Milliteri.


Waxaa lagu muujiyay in dowlada Turkiga ay dhismaha Saldhiga kala kulmi karto caqabado lama gudbaan ah, oo kaga imaankara dhinacyada halista u arka shaqeynta Saldhigaasi oo ay ugu horeeyan dowladaha deriska la ah Somalia oo ay ugu horeyso Ethiopia, Imaaraadka, Masar iyo Sacuudiga oo qaarkood loo diiday inay Saldhig ka dhistaan Somalia.

Sidoo kale, waxaa halisaha muuqda kamid ah in dowladaha aan kor ku xusnay ay haliso argagixiso u maleegaan Saldhiga Turkiga ee Somalia, iyadoo loo adeegsanaayo Kooxda argagixisada ee sida dhuumaaleysiga uga howlgala Somalia.

Dhinaca kale, dowlada Turkiga ayaa ka feejigan dhibaato kaga imaada dalalka kasoo horjeeda Saldhigooda Somalia, waxaana xusid mudan in la adkeeyay amniga Saldhiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada