Maleeshiyaadkii Galay Naasa-Hablood oo Watay Aqoonsiga NISA (Warbixin)

Maleeshiyaadkii Galay Naasa-Hablood oo Watay Aqoonsiga NISA (Warbixin)

daajis.com:- Maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab ee weerartay hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo 27 qof ay ku dileen, ayaa adeegsaday kaarar aqoonsi oo ah kuwa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, si ay gudaha hotelka u galaan, waxaa sidaas sheegtay xog cusub.

Kooxdan oo ka koobneyd shan qof ayaa sidoo kale xirnaa dharka ciidamada nabad-sugidda, lagamana shakin markii ay galayeen gudaha hotelka, kadib markii qarax baabuur uu albaabka hore ka dhacay.

“Waxay haysteen kaararka aqoonsiga hay’adda nabad-sugidda, oo ay ku qornaayeen magacyada, darajada iyo sawirro aqoonsi oo ayaga ah, sidaa darteedna ma jirin wax sarkaal boolis ah oo joojin karay” Waxaa sidaas wargeyska The Guardian u sheegay Col. Axmed Yare oo ah sarkaal sare oo dhinaca sirdoonka ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka wax ku dhow saacad kadib markii uu dhacay, waxaana ay sidoo kale shalay baahiyeen liiska mas’uuliyiin ay sheegeen inay weerarka ku dileen.

Adeegsida dharka iyo kaararka aqoonsiga hay’adda nabad-sugidda ayaa abuuraya walaac ku saabsan in kooxdan ay rag darajo hoose oo ayaga raacsan ku dhex leeyihiin gudaha hay’adda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyihii hay’adda nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo kii booliiska Jeneral Saacid, kadib kulan ay yeesheen golaha wasiirada.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadal warka ku saabsna in kaararka aqoonsiga hay’adda NISA ay heleen Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada