Isbadalo waawayn oo dalka Sucuudiga ka dilaacay, Dumarka oo loo ogolaaday Garoomada Ciyaaraha

Isbadalo waawayn oo dalka Sucuudiga ka dilaacay, Dumarka oo loo ogolaaday Garoomada Ciyaaraha

daajis.com:- Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.

Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.

Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.

Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan “in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.
Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.

Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada