MUUQAAL: C.wali Gaas oo Cadeeyay inaan Cabdixakiim Camey Puntland ku lahayn Saamayn iyo Go’aan Qaadasho

MUUQAAL: C.wali Gaas oo Cadeeyay inaan Cabdixakiim Camey Puntland ku lahayn Saamayn iyo Go’aan Qaadasho

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u fasaxay Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax ( Ereg) in dib uu shaqadii u bilaabo ka dib markii bishii September Madaxweyne k/xigeenkii Puntland uu shaqada ka fariisiyay.

Wareegto uu maanta soo saaray Madaxweyne Gaas ayaa lagu maray dhammaan hay’adaha dalka inay la shaqeeyaan taliyaha.

“Waxaa Dhammaan Hay’adaha ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ay ugu socoto lagu wargelinaya in Shaqadii loo fasaxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg), maanta oo ay taariikhdu tahay October,7,2017.” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada,


Taliye Ereg ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne K/xigeenka Puntland, khilaafkaasi oo la xiriiray 12 dhalinyaro oo laga sii daayay Saldhiga Dhexe ee Caasimadda Garoowe.

Dhowaan ayaa madaxwayne ku xigeenka Puntland C.xakiim Camey wuxuu sheegay inaysan Puntland ka Qayb geli doonin Shirka Kismaayo, Balse waxaa Arintaasi ku gacansaydhay Cabdiwali gaas oo sheegay inay si Buuxda uga Qayb gali doonaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada