MUUQAAL: Salaad Cali Jeelle oo kasoo badbaaday weerarkii Naasa hablood oo ka hadlay la yaabkii qabsaday (Waraysi)

MUUQAAL: Salaad Cali Jeelle oo kasoo badbaaday weerarkii Naasa hablood oo ka hadlay la yaabkii qabsaday (Waraysi)

daajis.com:- Salaad Cali Jeelle oo ah Siyaasiyi Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ayaa ka sheekeeyey qaabka uu weerarka u dhacay, iyo wixii ku qabsaday gudaha hotelka.


Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in markii uu Qaraxa dhacayay isaga iyo koox saaxiibadii ah ay Hotelka barxaddiisa shaah ku cabayeen. “Qaraxa markii aan maqlay waxaan aaday Qolkeyga si aan Qorigeyga u soo baxsado,iyagaase iiga hormaray waana iska soo laabtay” ayuu Yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ahaa dadkii Shaaha ku cabayey barxadda Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa sheegay inay mar qura maqleen qarax xooggan oo dhacay, wuxuuna sheegay inuu arkay daqiiqado kadib laba dableyd ka tirsan Shabaab oo kor u fuulayo Hotelka.

Wuxuu sheegay inuu isaga rabay inuu Dabaqa sare kore balse markii uu arkay ciidamadaas uu dib uga soo laabtay, wuxuuna sheegay inuu kor ka doonan rabay Qori AK47 ah oo uu sheegay inuu u yaalay qolkiisa, Wuxuuna sheegay inay Ciidamadaas xirnaayeen Dareeska Ciidamada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada