R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiyada Baarlamaanka iyo kan madaxda Banaan ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiyada Baarlamaanka iyo kan madaxda Banaan ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

daajis.com:- Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan gaar ah la yeeshey guddoonka aqalka sare,iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaare Khayere waxaa uu la kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan,mudadii uu socday kulankooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen sidii Wasaaradda Dastuurka iyo guddiyadda arrimahaasi qaabilsan ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Guddomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahiyaya waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.
“Waxaan maanta la kulanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaaha dib u eegista Dastuurka,waa la isku afgartay arrintaasi”, Ayuu yiri Guddomiye Cabdi Qeybdiid.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirweynihii Qaran ee arrimaha Dastuurka oo la filayay in uu maanta ka fumro magaalada Muqdisho sababo farsamo aawadeeda.
Shirweynihii qaran ee looga hadli lahaa dib u eegista Dastuurka ayaa maanta dib u dhac ku yimid, kaddib markii maamul goboleedyada dalka iyo Guddiyada dib u eegista Dastuurka ay qaadaceen, hase ahaatee Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirkan uu u baaqday arrimo farsamo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada