Sawirro: Shabeel weerar ku qaaday Carruur iyo dad waaweyn oo lagu dilay G/Sh/Hoose

Sawirro: Shabeel weerar ku qaaday Carruur iyo dad waaweyn oo lagu dilay G/Sh/Hoose

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay Shabeel dad weeraray.

Shabeelka ayaa weeraray dad ku sugnaa degmada, gaar ahaan Xaafadda Caanoole oo ay ku jireen carruur yar yar iyo dad waaweyn.

Dad isku dayaayay inay ka badbaadiyaan caruurta yar yar Shabeelka ayaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay, kadib markii Shabeelka uu isku wada maray caruurtii yar yaraa iyo dadkii waaweynaa ee isku dayaayay inay caruurta badbaadiyaan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay illaa 7 ruux.

Mas’uuliyiinta Degmada Wanlla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Shabeelka uu soo qaado weerarkaan.

Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa toogtay Shabeelka
Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo wada baaritaanada la xiriira dhacdadan ayaa ku jahwareersan halka uu ka soo galay Shabeelkan, maadaama degmada aysan laheyn Hood ama meel xaywaanada waa weyn ay ku nool yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada