Sawirro: Sidee ayay banaanbaxyada u gilgileen magaalada Beledweyne

Sawirro: Sidee ayay banaanbaxyada u gilgileen magaalada Beledweyne

daajis.com:- Waxaa magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad ka badan Shan kun oo shacab ahaa.

Dadka isugu soo baxay dibadbaxa ayaa waxaa ku jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka, waxa uuna banaanbaxa gilgilay dhammaan magaalada Beledweyne.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa ku qeyla dhaaminaayay ”Alshabaab ha dhacdo, Dhiigyacab doonimeyno, Nabadiid doonimeyn iyo Erayo kale oo ka dhan ah Alshabaab”

Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Hiiraan, ayuu ujeedkiisu ahaa inay reer Hiiraan muujiyaan dareenkooda ku aadan, sida ay kaga soo horjeedaan gumaadka ay Shabaabku ku hayaan shacbiga Somaliyeed.

Dhalinta reer Baledweyne oo qaarkood ka hadlay bannaanbaxaasi, ayaa waxay sheegeen in dadkii lagu laayay qaraxii Zoobe, aanay ahayn kuwo ku shaqo leh siyaasad, isla-markaana ay aad uga xun yihiin gumaadka rayidka.
Waxa ay Alshabaab ka dalbadeen inay isaga baxaan dalka oo ay u jihaad tagaan dalalka uu jihaadka ka socdo sida Falastiin, Ciraaq iyo Syria.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada