Sawirro: Sidee ayuu u dhacay banaanbixii looga soo horjeeday Xasuuqa Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay banaanbixii looga soo horjeeday Xasuuqa Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab

daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ruxay banaanbaxyo looga soo horjeedo maleeshiyaadka xagjirka ah ee Alshabaab.

Banaanbaxa oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal ruux, kaa oo looga dhiidhinaayay dhabarjabka ay maleeshiyada u geysay shacabka maatida ah.

Banaabaxayeyaasha ayaa Socod ka bilaabay Garoonka kubadda cagta ee Koonis waxa ayna socdaal ku mareen degmooyin dhowr ah.

Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa waxaa ku jiray mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo madaxa ku xirtay marooyin gaduudan, halka haweenku ay xirteen marooyin cad oo ka turjumeysa asaay.
Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeda gumaadka ay maleeshiyaadka ku hayaan dadka shacabka ah, waxa uuna daba socdaa xasuuqii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada