Wargeys mareykanka kasoo baxo oo shaaciyey in Shacabka Soomaaliyeed ay u dhibaatoonayaan USA darteed

Wargeys mareykanka kasoo baxo oo shaaciyey in Shacabka Soomaaliyeed ay u dhibaatoonayaan USA darteed

daajis.com:- Qaraxii weynaa ee Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo aadayo maalmo ka kadib markii Taliyaha ugu sareeyo Mareykanka ee Qaaradda Africa uu booqasho ku imaaday Muqdisho, waxaana safarkaas kadib dhacay Musiibo weyn.

Haddaba Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee kasoo baxo dalka Mareykanka, gaar ahaan Magaalada Pittsburgh  ee  Gobolka Pennsylvania  ayaa qoray Warbixin dheer oo uu ku sheegayo in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato usoo gaareyso joogitaanka iyo faragelinta Mareykanka iyo Dowladaha Shisheeye.

Wargeyska ayaa sheegay in qaraxaas loola dan lahaa meel u dhow garoonka Diyaaradaha oo ay joogaan safaaradaha caalamiga ah, maadaama ay wada dagan yihiin Xarunta Xalane.

Wargeyska ayaa sheegay inuu Mareykanka saldhig ku leeyahay Jabuuti, waana dal ka kaliya ee Afrika ee ogolaaday Saldhig Mareykanka leeyahay, maadaama dalalkii kale ay iska diideen.

Mareykanka hadda ka hor ayuu 1992 soomaaliya ka baxay kadib markii joogitaankiisa ay dhibaato noqotay, sidoo kalana Horumarka Soomaaliya wax saameyn ah kuma lahan sida uu wargeyska xusay.

Wargeyska ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay mareykanka faraha kala bixi lahaayeen  Arrimaha Soomaalyia, si Mareykanka dartiis aan dadkan loo dhibaateyn.

Wargeyska waxa uu qoray in Kaalinta Maraykanka ee Soomaaliya tahay mid horumar kooban leh, isla markaana aad u yar yahay miro-dhalkeeda.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inuu Qaraxaasi farriin u ahaa Soomaalida iyo Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna wargeyska leeyahay qaraxaas waxaa keenay booqashadii Taliyaha ugu sareeyo Mareykanka ee Africa iyo Diyaaradaha lagu duqeeyo Gobolada dalka, gaar ahaan meelaha ay Shabaab ku sugan yihiin.

Wuxuu Wargeyska tilmaamay  Sidoo kale in Booqashada Taliska AFRICOM iyo Qaraxii Zoope ay noqon karto kuwa xiriir leh, taasna ay keeni karto inuu mareykanka faraha kala baxo  doorka ay ku lahayd Soomaaliya.

Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette wuxuu shaaciyey inay mareykanka Soomaaliya ka joogaan ilaa 400 oo askari oo laga ilaaliyo Saldhigga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti oo ay u joogaan Ciidamo badan iyo Diyaaradaha Dagaalka.

Qaabka uu wargeyskaan u dhigay warka ayaa muujinayo in  qaraxa mareykanka dartiis loo fuliyey, isla markaasna ay Dib usoo kabashada Soomaaliya ku xiran tahay in soomaalida ayaga kaligood ka shaqeeyaan dantooda, si kalena xal laguma helayo.

Ciiddanka Maraykanka oo lagala hor yimid dagaalo ayaa waxa laga daad-gureeyey Soomaaliya sannadkii 1993, kadib weerarkii lagu dilay 19 Askari oo Mraaykan ah, xilligaas oo ay dagaal culus isaga hor imaadeen  Allah u naxariistee General Caydiid iyo Shacabka Soomaaliya oo is garabsanayey.

1993 ayuuna mareykanka go’aansaday inuu xiro Safaaradii  uu ku  lahaa magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu Madaxweyne Bill Clinton dareemay inaysan Diplomaasiyiintooda sii joogi Karin Soomaaliya, maadaama ay soo wajahday cabsi iyo argagax badan

Sanadkii 2006 ayuu mar kale Mareykanka go’aansaday inuu faraha lasoo galo Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna xilligaas ka howlgalayey meelaha ay dowladda gacanta ku heyso kaliya, waxaana ilaa waqtigaas muuqatay inuusan Mareykanka wax saameyn ah ku laheyn horumarka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta uu qoray wargeyska Pittsburgh Post-Gazette

Carnage in Somalia: U.S. involvement is not helping to build peace

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada