Xog sirdoon: Al-Shabaab oo heshay kiimiko halis ah oo loo adeegsado qaraxyada

Xog sirdoon: Al-Shabaab oo heshay kiimiko halis ah oo loo adeegsado qaraxyada

daajis.com:- Baaritaan hor dhac ah oo lagu sameeyay Qarixii Soobe ayaa lagu ogaaday in loo isticmaalay Walxo Kiimiko ah oo loo adeegsado Bacriminta, Isla markaana ay ku jiraan waxyaabo Sun ah iyo Kiimikooyin wax baabi’in kara.

Warbixin Sirdoon ayaa sheegaysa in Kooxdu ay hadda awood u leedahay inay iskeed u samaysato Qaraxyo, iyadoo aan waxba uga baahan Suuqyadda, Waxaana u dhamaystiran Walxaha suurtagal ka dhigi kara in Bambaanooyin la sameeyo.

Awood u yeelashadda inay abuuri karaan Bambaanooyin waxay Kooxda Alshabaab fursad u siisay inay sameeyaan Nooc kasta oo Qarax ah, taasoo ka dhigan inay awoodaan xittaa inay sameeyaan Qarax ka miisaan wayn kii Soobe.

Warbixinta Kooxda la socoshadda Cunaqabataynta Hubka Somalia ee Monitoring Group oo la filayo inay soo baxdo Bisha soo socota, waxaa ku cad in Guddigaasi ay u xaqiijisay Xarunta Maraykanka ee Daraasaysa Qaraxyadda Argagixisadda ee US Terrorist Explosive Device Analytical Center in Alshabaab ay heleen Kiimikadda  loo yaqaan potassium nitrate, taasoo laga ogaaday  in loo isticmaalay illaa iyo 6 Qarax oo ay Kooxdu samaysay tan iyo Sannadkii 2016.
“Suurtagalnimadda in la isticmaalo Qaraxyadda la macmilo ee laga abuuro Kiimikooyinka, waxay ka yaraynaysaa Kooxda Qalabkii iyo Birihii faraha badnaa ee ay Gaadiidka ay Qaraxyadda u isticmaalayaan ka buuxin jireen, Waxayna hadda awood u leeyihiin inay kordhiyaan qaraxyadda, iyagoo aan u baahan Birro, Gumacyo Rasaas iyo waxyaabo kale oo ay ka buuxin jireen Gaadiidka, taas badalkeedana waxay kordhin karaan Miisaanka Qaraxa,” ayaa lagu yiri Warbixinta Guddiga Qaramadda Midoobay ee aan wali la shaacin.

Sidoo kale Qaraxyadda Noocan ah waxay Khuburaddu rumaysan yihiin inay adagtahay in lagu garto Baarista ay sameeyaan Ciidanka Soomaaliya oo aan haysan Qalab ku filan, Waxayna Khuburadda Qaraxyadd ku doodayaan in Gaadiidka Qaraxyadda noocan ah aysan ka muuqan astaan ay Ciidanku aqoonsan karaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada