Al-Shabaab oo fagaare kula hadlay Shacabka deegaan Saaka ay ka qabsadeen Hiiraan.

Al-Shabaab oo fagaare kula hadlay Shacabka deegaan Saaka ay ka qabsadeen Hiiraan.

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Maroodille oo ka tirsan Gobolka Hiiraan sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Deegaanka Maroodille oo dhaca galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa halkaasi waxaa isbaaro u taalay ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa Shabaab waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Maroodille, kadib markii halkaasi ay isaga carareen ciidamadii dowladda.

Ciidankii dowladda ee deegaankaasi isaga cararay ayaa gaaray Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse ciidamada Al Shabaab ayaa hadda maamulaya gacan ku haynta deegaanka Maroodile ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay kula hadleen meel fagaare ah, waxaana ay u sheegeen inay isdajiyaan oo ciidamada Shabaab ay la joogaan.
Xaaladda deegaanka Maroodille ee Gobolka Hiiraan ayaa hadda ah mid caadi ah, inkastoo Saraakiisha dowladda ay ku hanjabeen inay dib ugu laabanayaan deegaankaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada