Putin iyo Assad oo ku kulmayayaa Magaalada Sochi.

Putin iyo Assad oo ku kulmayayaa Magaalada Sochi.

daajis.com:- Madaxweynayaasha Ruushka iyo Syria, Vladimir Putin iyo Bishaar Xaafid Al-Assad ayaa ku kulmay Magaalada Sochi oo dhacda Badda Madoow.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay Soo afjaridda Dagaalada ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, waxayna isla qaateen in dagaalka ay isku garabsanayaan uu noqdo mid mira dhala.

Waxa ay isla meel dhigeen in dagaalka uu u baahan yahay qorsheyn Siyaasadeed, si loo hago qorshaha lagu xaqiijinayo Tallaabada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada.

Madaxweyne Assad oo ku sugan Sochi ayaa sheegay in Dhigiisa Ruushka uu kala Xaajoonayo Geedi Socodka Siyaasadeed ee Syria.

Waxa uuna tibaaxay in Dagaalka ay kula jiraan Waxa uu ugu yeeray Argagixiso Qalalaase ka wada dalkiisa in uu ku dhaw yahay in soo Soo afmeermo, maadaama uu sheegay in Magaalooyin ay lumiyeen.

Putin ayaa Assad ugu hambalyeeyay Natiijada ka soo baxday dagaalka lagula jiro Argagixisada, waxaana shirka kala qeyb qaatay oo wehlinaye Madaxweyne Assad Madaxa Ciidamada Ruushka ka howlgala Syria.


Bishii March 2016, Madaxweyne Putin ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Ruushka ay ka qeyb qaataan Dagaalada ka socda Syria, waxayna Ciidamada Syria ka caawiyeen in ay la wareegaan Magaalooyin ay ugu gali waayeen kooxda Daacish, kadib Markii Diyaaradaha Ruushka ay duqeymo ka geysteen.

Todobaadkii tagay wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in Meelo badan laga saaray Kooxda Daacish.

Xukuumadda Moscow ayaa wajaheyso Kiisas la xiriira dad shacab ah oo duqeymaha Diyaaradaha Ruushak ay waxyeeleen, Waloow ay iska fogeeyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada