Daawo Video: Kuuriyadda Waqooyi oo mar kale Tijaabisay Gantaal Gaadhi kara Mareykanka iyo sida wax u dhaceen

Daawo Video: Kuuriyadda Waqooyi oo mar kale Tijaabisay Gantaal Gaadhi kara Mareykanka iyo sida wax u dhaceen

daajis.com:- Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay inay ku guuleystay tijaabinta gantaal ballistic ah, kaasoo gaari kara meelo kala duwan oo Mareykanka ka tirsan, iyadoo Xukuumadda Pyongtang ay sii wado barnaamijkeeda horumarinta gantaalada.

Gantaalkan ridada dheer ayaa dul maray bariga gobolkaas, waana midka isaga kala goosha qaaradaha, waxaana uu socday masaafo dhan kun kiilo mitir, iyadoo markii dambe ku burburay Badda Japan.


Tallaabadan ayaa sii kordhin karta walaaca iyo cabsida laga qabo in Waqooyiga Kuuriya ay bartilmaameedsato goobaha fog fog, sida Mareykanka.

Khubaro u hadashay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in gantaalkan aanu khatar ku aheyn Xullafada Mareykanka, iyo Waqooyiga Mareykanka.

Xiisada iyo dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayay, waxaana jira cabsi ka jirta gobolka oo ku aadan dagaal labada dhinac ka dhex qarxa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada