Kenyatta oo markii 2-aad madaxweynaha Kenya loo dhaariyay iyo Netanyahu oo…

Kenyatta oo markii 2-aad madaxweynaha Kenya loo dhaariyay iyo Netanyahu oo…

daajis.com:- Waxaa goordhaw markii 2aad madaxweynaha dalka Kenya loo dhaariyay Uhuru Kenyatta, arrintan ayaa dhacday xaflad ka dhacday garoonka kasaraani taasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo Afrikaan u badan.

Dhinaca kale, War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda.


Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka.


Mar sii horeysay ciidamada booliiska ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furay taageerayaasha Kenyatta oo isku dayayay in ay xoog ku galaan garoonka xili kuraastii ay ka buuxsantay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, isaga oo sheegay in isla maanta xaflad baroor diiq ah ay ku qabanayaan meel Nairobi ka mid ah, taas oo loogu murugoonayo dadkii ay Booliiska laayeen.

Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Afrika waa markii sadexaad oo aan booqdo muddo halsano iyo bar gudahood ah, waxaan halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Kenya,s idoo kale waxaan la kulmi doonaa toban hogaamiye oo qaaradda Afrika ah”.

Netanyahu isaga oo sii hadlaya ayaa waxuu yiri “ Waxaa naga go’an inaan si qoto dheer aan xariir ula yeelano qaaradda Afrika, annaga oo xariir la sameyneyno dowladaha aanu naga dhaxeynin wax xiriir diblomaasiyadeed ah”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada