Madaxweynaha Jamhuuriada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la kulmay Xubnihii Xabsi Guriga uu galiyay Madaxweyne Xaaf

Madaxweynaha Jamhuuriada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la kulmay Xubnihii Xabsi Guriga uu galiyay Madaxweyne Xaaf

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kusoo dhaweeyay kulana kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Kuxigeenkiisa Labaad iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Masuuliyiintan khilaafka kala dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf ayaa looga hadlay arimo kala duwan ay kamid thay sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka maamulka Galmudug ka dhax jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka shaqeenaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Madaxda maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in sidoo kale khilaafka kala hadlo Madaxweyne Xaaf.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxtooyada Soomaaliya kulan isugu keento labada dhinac ee isku khilaafsan Maamnulka Galmudug, waxaana socda dadaalo lagu dhameenayo khilaafka taagan.

Xubnahan kasoo hor jeeda Xaaf ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay ku jireen Xabsi guri uu galiyay Madaxweyne Xaaf, waxaana xubnahan Muqdisho uga yeeray Madaxweyne Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada