DAAWO: Cabdi Qeybdiid oo ka Hadlay Weerar Gurigisa lagu qaaday

DAAWO: Cabdi Qeybdiid oo ka Hadlay Weerar Gurigisa lagu qaaday

daajis.com:- Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay maanta ciidano uu Tababaray imaaraadka oo ka tirsan dowladda Federaalka ku qaadeen gurigiisa, Wuxuuna  sheegay in gurigiisa markii la weerarayey uu ku maqnaa xarunta aqalka sare oo uu soo gudanayey waajibkiisa shaqo.


Ciidamada weerarka ku qaadey gurigiisa ayuu sheegay in ugu horreyn ay albaabka kore ku jabiyeen gaari, ciidankii halkaasi ku sugnaana ay hubkii ka qaateen, Intaasi kadib ayuu sheegay in ciidamadan ay jabin ku bilaabeen albaabada guryaha iyo sidoo kale armaajooyinka, sidoo kalena taleefannaddii gacanta laga qaatay xaaskiisa iyo sidoo kale gabadhiisa.

“Armaaajooyinkiina wey soo daadiyeen wixii ku jiray, qolalkii dibadda ku yaallay iyo kuwii gudaha dadkii ku jiray gacmaha kor u taaga bay dhaheen, Taleefannadii bay xaaskii iyo gabadheydii ka aruursadeen, xaaska oo musqul ku jirta wey ugu jabiyeen oo waa ay ugu galeen..ma garan karo sababta ay arrimahaasi ku dhaceen illaa iyo hadda, cidda waxaan sameysayna warbixintii ugu horreeysay ee xaaskayga markii ay isoo wacday kadib waxaa isoo wacay ninka taliyaha nabad sugidda ka ah gobolka Banaadir oo la yiraahdo Saadaq, wuxuu ii sheegay ciidankaasi waxay ahaayeen ciidanka Imaaraadka”  ayuu yiri.



Qeybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Laakiin waxaan anigu cadeynayaa sida ninkaasi ii sheegay ciidankaasi ciidan dowladeed buu ahaa, wixii intaa ka duwanna haddee baarista ayaa lagu ogaan doonaa, ma rabo intaas inaan dhaafo, “



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada