Daawo Video: RW. Khayre oo sharaxay Sida uu ku yimid Go’aankii Maraykanka Sheegayna inay DF-Somalia Dalbatay

Daawo Video: RW. Khayre oo sharaxay Sida uu ku yimid Go’aankii Maraykanka Sheegayna inay DF-Somalia Dalbatay

daajis.com:- R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaadh ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go’antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.

“Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri RW Khayre oo intaas raaciyey.


“Waxaa kale oo aan rabaa inaan idinla wadaago in dawladda Soomaaliya ay sameysay daraasad muddo dheer aan wadnay oo haatan lasoo gabogabeeyay. Daraasaddaas oo lagu qiimeynayay tirada, tayada, qalabka ay haystaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed”.

Khayre ayaa xusay si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu sheegay in heer gabogabo ah marayo qorshe ka dhashay daarasadka la sameeyay ee xoojinaya isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka loo maamulo kaalmada dhanka amniga ah ee Soomaaliya ka hesho caalamka, dhowaana ay dib u bilaaban doonto mushaaraadka iyo kaalmada amniga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada