MUUQAAL: Kuuriyada Waqooyi oo ku Tilmaamtay Cunaqabateynta Cusub ee La saaray “Tallaabo Dagaal”

MUUQAAL: Kuuriyada Waqooyi oo ku Tilmaamtay Cunaqabateynta Cusub ee La saaray “Tallaabo Dagaal”

daajis.com:- Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah war ay soo saartay ku sheegtay in cunaqabateynta cusub ee Golaha Amaanka wadankaasi kusoo rogay Jimcihii lasoo dhaafay ay tahay Tilaabo Dagaal oo khal khal gelin doonta amniga gobalkaasi.


Cunaqabateynta cusub ee Golaha Amaanka Jimcihii ansixiyey ayaa lagu sheegay in dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaasi Kuuriyada Waqooyi ee dalalka dibada ka shaqeeya wadankooda lagu celin doono 2 sano gudahood, isla markaana la joojinayo 90% batroolka dalkaasi laga iibin jiray.

Tilaabooyinkan ayaa la sheegay in lagu xakameenayo dadaalka ay Kuuriyada Waqooyi ugu jirto soo saarista Gantaalada ridada dheer iyo hubkeeda Nukliyeerka.

Balse Kuuriyada Waqooyi ayaa jawaabtii ay maanta soo saareen ku sheegay inay dar dar siigelin doonaan hawlahooda ku aadan hubkooda difaaca Nukliyeerka iyo Gantaalada oo ay sheegeen inuu yahay gaashaankooda ay isaga difaacayaan duulaanka Maraykanka wadankaasi la damacsan yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada