Daawo Muuqaal: Waraysigii ugu xiisaha badnaa oo R/wasaare Khayre uu bixiyey

Daawo Muuqaal: Waraysigii ugu xiisaha badnaa oo R/wasaare Khayre uu bixiyey

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Hormarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd.


Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida Mashaariicyo waa weyn.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada