Sawirro: Mashaariicda dawladda Qadar ka Fulinayso Soomaaliya iyo Kulamadii dhexmaray Madawaynaha Hirshabeelle

Sawirro: Mashaariicda dawladda Qadar ka Fulinayso Soomaaliya iyo Kulamadii dhexmaray Madawaynaha Hirshabeelle

daajis.com:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Sii Hayaha Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adda Jidadka Qatar iyo Hey’adda lagu wado inay dhowaan bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo horay u saxiixay dowladda Soomaaliya heshiiskii mashaariicda ay Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid istiraatiiji ah, isla markaana ay aad ugu baahi qabaan dadka Soomaaliyeed dhismaha wadadaas oo xilligan burbursan.

Waxaa uu ka codsaday Mas’uuliyiinta Qatar inay dardar geliyaan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Mas’uuliyiinta ka socday Qatar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dhowaan la bilaabi doono iyo mashaariic kale.
Illaa 200 milyan oo dollar ayaa ku baxaya mashaariicda ay ka Qatar ka fulineyso Soomaaliya, sida wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, xarumo loo dhisayo dowladda iyo mashaariic kale oo horumarineed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada