Aqalka sare oo taageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

Aqalka sare oo taageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

daajis.com:- Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen Sharikadda DPWorld.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa taageeray xeerkii ay meel mariyeen golaha shacabka ee dalka looga mamnuucay DPWorld.

36; XIldhibaan ayaa xaadirtay fadhiga aqalka sare ee maanta,iyada oo ay 28; Xildhibaan oggolaatay in dalka laga saaro DPWorld, 6; xildhibaan ayaa diiday halka 2; Xildhibaan ay ka aamuseen.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa shalay ku kala qeybsamay arrintan hayeeshee kulan ay maanta isugu yimaadeen ayey ku aqbaleen go’aankaas.
DPWorld ayaa iyaduna maanta sheegtay in uusan quseyn go’aanka ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadeyso mashaariicda ay ka fulineyso degaannada Somaliland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada