Guddigii Aqalka sare oo sheegay inay Bur-burtay waan waantii ay wadeen

Guddigii Aqalka sare oo sheegay inay Bur-burtay waan waantii ay wadeen

daajis.com:- Guddigii Aqalka sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay burburtay waan waantii ay ka dhex wadeen Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddigan ayaa kulamo dhowr ah oo saacado qaatay la yeeshay labada dhinac, waxaana ku adkaatay in meel dhexe la isugu yimaado, si khilaafka loo xaliyo iyo in sida sharciga qabo lagu xaliyo.

Wararka ayaa sheegaya in labada qodob ee la isku hayay oo ay wadeen Guddiga Aqalka sare uu ahaa in Ciidamadii la geeyay xarunta laga qaado iyo in la isku afgarto xilliga mooshinka la horgeeynayo, iyadoo labada dhinac raalli isaga yihiin.
Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu horgeeyo Golaha muddo 10 cisho oo ka soo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28 oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd, hase ahaatee aanay ku suura gelin in mudadaas lagu horgeeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada