Maxay tahay sababta Madaxweyne Farmaajo ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga?

Maxay tahay sababta Madaxweyne Farmaajo ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga?

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hoyday caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waana markii ugu horreysay burburkii kaddib uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku hoydo xaruntaas.

Sababta uu Madaxweynuhu ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wararku sheegayaan inuu kulamo joogto ah la yeesho Saraakiisha iyo Hoggaamada Ciidanka Xoogga si la iskugu dubba rido Ciidanka Qaranka oo u diyaar garoobay inay Alshabaab dalka ka xoreeyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga iyo Hoggaamida Ciidanka Xoogga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah la lahaa maanta ilaa caawa, si loo dhammeystiro abaabulka dagaalka ay ciidamada Qaranku kaga sifeyn doonaan Alshabaab.
Waa markii shanaad uu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, waana markii u horreysay uu u hoydo, taasina waxay tilmaamaysaa in ay Madaxweynaha ka go’antahay inuu dalka ka xoreeyo aragagaxisada Alshabaab iyo in Soomaaliya laga dhaliyo nabad iyo xasillooni.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada