MUUQAAL: Fiqi oo Weerar ku qaaday Imaaraadka iyo madaxda maamullada

MUUQAAL: Fiqi oo Weerar ku qaaday Imaaraadka iyo madaxda maamullada

daajis.com:-  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha dowlada Somalia, wuxuuna sheegay inay ilowday madaxbanaanida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay ka gudbi doonto halka ay iminka taagan tahay, isla markaana mar un ka jawaab celin doonto faragalinta ay kala kulmeyso Imaaraadka.

Axmed Fiqi wuxuu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in Imaaradaha Dubai iyo kuwa kale ee Imaaraadku leeyahay aysan ka raali noqon doonin faragalin ay ku sameyso Soomaliya, hase ahaatee aysan Somalia aqbali doonin in amuuraheeda ay soo faragaliso Imaaraadka. ‘’Waxaan leeyahay Imaaraadka idinma aan faragalin ee naga daaya faragalinta, waxaan taariikhda ku heysanaa in dowladeenii hore ay garab siin jirtay Imaaraadka xili ay heysatay dhibaato’’

‘’Tallooyinkeena waxaa kamid ahaa in Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ay u yeerto Safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar waxna ka weydiiso eedeymaha ay u jeediyeen si uu uga jawaabo’’

‘’Waxaan ka dooneynaa inuu madax-baneeyo amadax-banaanida Somalia oo uu faraha kula jiro’’ Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay ka xishoodaan markaana ay ku dadaalan Qaranimada Somalia.

Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku jiraan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada, wuxuuna cod dheer ku sheegay in arrin fool-xun ay tahay inay ka shaqeeyan howlo kale, isagoo ugu baaqay inay hoosyimaadan dowlada Dhexe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada