Nin ka caawiyey xaaskiisa inay guursato ninkii ay jeclayd, dalkee ayuuse u dhashay?

Nin ka caawiyey xaaskiisa inay guursato ninkii ay jeclayd, dalkee ayuuse u dhashay?

daajis.com:- Tani waa sheeko jaceyl oo qalbi taabad leh, nin u dhashay dalka India ayaana doortay inuu nin kale u guuriyo xaaskiisii uu la aqal-galay lix maalmood ka hor.

Maxaa yeelay gabadha uu guursaday ninkaani waxay jacleyd wiil kale, waxaase u diiday qoyskeeda, sidaas darteed ninkaan u dhashay India wuxuu doortay inuu gabadhaan u guuriyo jaceylkeedii hore si uusan ugu ciyaarin nolosha seddaxdooda.

4tii bishaan March ayey dhacday qisadaani, 28 sanno jirkaan Basudep Tappo wuxuu kasoo jeedaa xaafadda Palmara ee ka tirsan gobolka Odisha ee dalka India, wuxuuna guursaday gabar 24 sanno jir ah oo kasoo jeeda xaafadda Jharsuguda, guurkoodana labada qoys ee ay kasoo jeedaan ayaa soo qaban-qaabiyey, wuxuuna ahaa aroos dhaqameedka India.

Balse lix cisho oo qura ayey ahaayeen nin iyo xaaskiisa, maxaa yeelay maalintii todobaad, seddax nin oo uu ka mid ahaa ninkii ay gabadhu horay u jecleyd ayaa soo booqday guriga Basudep Tappo, halkaasoo looga sheeko bogtay qisadii jaceyl ee isaga ka horreysay.

Xitaa gabadhaan ayaa u sheegtay seygeeda Basudep Tappo in qoyskeedu ay u diideen jaceylkeedii hore ka dibna ay isaga u guuriyeen. Marka ay halkaas mareyso, Basudep Tappo ayaa keenay xalka ugu fiican, wuxuuna la xiriiray waalidka gabadhaan isagoo ku qanciyey inay u guuriyaan xaaskiisa ninkii ay horay u jecleyd.

Hooyada dhashay Basudep Tappo oo lagu magacaabo Sanibari Tappo lana hadashay majaladda The Times of India ayaa daaha ka qaaday in wiilkeedu uu yahay boqor jaceyl maadaama uu xal caaqil keenay, sidoo kale Tappo qudhiisu wuxuu qirtay inuu u bareeri waayey inuu burburiyo nolosha jaceyl ee seddax ruux.
Guddoomiyaaha xaafadda Pamara oo lagu magacaabo Gajendra Bagh ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aankaan Basudep, halka ay dadka degan xaafadduna ugu duceeyeen goobtii uu isugu guuriyey shimbirihii jaceylka ee ku sigtay inay iswaayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada