Sawiro: 196 Xildhibaan oo kulan ku yeeshay SYL iyo Jawaari oo ay xaaladda ku xun tahay

Sawiro: 196 Xildhibaan oo kulan ku yeeshay SYL iyo Jawaari oo ay xaaladda ku xun tahay

daajis.com:- Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL .

Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo dhammaantood ahaa kuwa kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna uusan sii ahaan doonin Guddoomiye.

Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dhex arkayey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre sida:

1)  Wasiirka Maaliyadda

2) Wasiirka Amniga

3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska

4) Wasiirka Gaashaandhiga

5) Wasiirka Ganacsiga

6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta

7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha

8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno

Xaaladda Jawaari ayaa u muuqato inay mugdi sii galeyso, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii kordhaya tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu aqbalay mooshinka laga keenay isla markaasna uu sheegay in loo codeyn doono muddo 10 maalin ah kadib sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada