Reer galbeedka oo ka gaabsaday u hambalyaynta madaxweyne Putin

Reer galbeedka oo ka gaabsaday u hambalyaynta madaxweyne Putin

daajis.com:- Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa hambalyo u diray madaxweyne Vladimir Putin oo mar kale loo doortay xilka madaxtinnimada, balse madaxda reer galbeedka ay si gaabis ah uga jawaabceliyay guusha Puti

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo Putin u hambalyeeyay ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa ee Ruushka uu gaaray halkii ugu fiicnaa taariikhda.

Ra'iisalwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa u hambalyeeyay Putin. Hogmaaiyaha Jarmalka Chancellor Angela Merkel ayaa lagu wadaa inay Putin u dirto hamblayo.

Mr Putin ayaa helay in ka badan 76% codadka la dhiibtay.

Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato

Wuxuu isbadel ku sameyn doonaa qaab dhismeedka dowladiisa sida xafiiska ra'iisalwasaaraha.

Hoggaamiyayaasha dalalka Iran, Kazakhstan, Belarus, Venezuela, Bolivia iyo Cuba ayaa ka mid ahaa dalalkii u hambleeyay Putin.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu Putin sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ya ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.

Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su'aalaha ku saabsan in uu xilka hayni doono inta cumrigiisa ka dhiman.

Mr Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sanadii 1999 oo uu mar ahaa rai'sul wasaare.
Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale.



BBC



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada