Sacuudiga ” Reer Galbeedka ayaa nagu amray inaan maalgelino Wahaabiyada iyo Iskuulo badan”

Sacuudiga ” Reer Galbeedka ayaa nagu amray inaan maalgelino Wahaabiyada iyo Iskuulo badan”

daajis.com:- Marar badan ayaa dadka aan wax badan ka ogayn siyaasadaha Dunida iyo kuwa maskaxda Laga badaley ay dadka Ku waaleen in Boqortooyada Sacuudigu Masaajid iyo madarasado badan dhisto si ay u faafiso diinta Islaamka isla markaasna tahey Boqortooyo barakeysan.

Halka qofkii Laga maqlo warkaas wax ka badalan ama su’aal ka keena la oranjirey waa cilmaani diin iyo Carab diid ah.

Asbuucaan waxaa saxaafadda Adduunka la Hadley Amiirka awooda badan ee ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, wuxuuna sheegay in awalba saaxiibadooda Reer Galbeedku ku amreen in ay maal galiyaan masaajid iyo madarasado badan iyo wadaada Wahaabiyada ah, si looga hortago saamaynta Midowgii Suufiyeed iyo Iraan, isla markaasna ay siyaasadooda dhex marsadaan dadkana lagu gaado arrimaha diinta Islaamka.

Waxaa kale oo Amiir Salaam sheegay in haddana Boqortooyadu arrimahaas faraha Kala baxeyso maadaama Saaxiibadood reer Galbeedku kula taliyeen.
Amiirka ayaa hadalkaan sheegay markii uu Wareysi qaatay 75 Daqiiqo uu siiyey Wargeyska Washington Post maalintii ugu dambeysay ee Booqshadiisa dalka Mareykanka.

Hadalkaan ayaa wax badan oo mugdi ku jiray banaanka keenay, wuxuuna amiirka ballan qaaday in arrimahaas dhan ay Sacuudiga faraha kala bixi doonto.

Dowladda Sacuudiga ayaa muddo badan lagu eedeenayey inay faafineyso waxyaabo badan oo dhibaato ku ah Diinta Islaamka waxaana hadda muuqato inay Sacuudiga si caadi ah u caddeysaneyso waxyaabihii ay qarin jirtay muddo badan.

Halkaan hoose ka akhriso wareysigiisa oo dhameystiran

https://www.rt.com/news/422563-saudi-wahhabism-western-countries/

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada