Sawiro: Kolonyadii AMISOM Al-shabaab ku gubeen duleedka Balcad & Qasaaraha gaaray

Sawiro: Kolonyadii AMISOM Al-shabaab ku gubeen duleedka Balcad & Qasaaraha gaaray

daajis.com:- Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday shalay kolonyo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in ciidamadooda khasaara xooggan uu kasoo gaaray weerar shalay ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo katirsan ciidamadooda lagu weeraray waqooyiga magaalada Muqdisho wuxuuna qiray in askar iyo saraakiil looga dilay.

Dowladda Burundi waxay sheegtay in askari looga dilay weerarkii dhabbagalka ahaa ee lagu weeraray kolonyo saad ciidan sidday oo ku socdaalayay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad.
Burundi Gaston Sindimwo madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dhimashada ciidamada laga dilay ay gaartay tobanaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada