daajis.com:- Waxaa Todobaadkan magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaalidana qayb ka tahay.
Arday ka kala socota dhowr iyo Labaatan dal oo Bandhiggaasi ka qayb gashay ayaa waxaa si weyn ugu dhex muuqatay Ardayda Soomaaliyeed oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Dhar, Cunto iyo Alaabada laga adeegsado Miyiga iyo Magaalooyinka Soomaaliyeed.
Dhallinyaro ku lebbisan islamarkaan lulaya calanka Soomaaliya ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay Qaahira.
Bandhiggan oo ka dhacay Jaamacadaha 6da October iyo Qaahira ayaa waxaa u soo daawasho tagay Kumanaan Dad ah oo isugu jira, Safiirro kala duwan iyo Arday , kuwaasoo aad ula dhacay bandhig dhaqameedka, gaar ahaan wacdaraha ay muujiyeen Ardayda Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Amb; C/qani Maxamed Wacays iyo u qaybsanaha waxbarashada Maxamuud Gawgawle, oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaan ayaa waxay bogaadiyeen kaalinta ay ka qaateen Bandhig dhaqameedka Ardayda Soomaaliyeed, waxanay kula dardaarmeen inay halkaasi kasii wadaan dedaalkooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at