Akhriso: Wasaarada Amniga oo war cad kasoo saartay Ammaanka Muqdisho iyo Ciidamada Xasilinta

Akhriso: Wasaarada Amniga oo war cad kasoo saartay Ammaanka Muqdisho iyo Ciidamada Xasilinta

daajis.com:- Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.

Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.
Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada