Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka.
Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh, balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday.
Khalid Bin Axmed ayaa xusay in Imaaraadka uu u qabtey Soomaaliya Shirar dhowr ah oo xal loogu hadlayey Burcad badeedka, kuwaasi oo Madaxweynayaashii dowladda Federaalka ay goobjoog ahaayeen.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini”aadanimo iyo Tabararka Ciidamada.
Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu abaal guday Imaaraadka dafiraad, aflagaado iyo inay garab siiso cadowgeeda.
Hadalka Khalid Bin Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa kasoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidoo kale maalintii Axada Garoonka Muqdisho lagu qabtey Diyaarad wadey lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya oo laga keenay Abu Dhabi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:35 and have
, Published at