Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Sacuudiga iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Sacuudiga iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinto beri u dhoofaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Farmaajo ayaa Sacuudiga uga qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan sidoo kale kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kale.

Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga, waxa uuna Wasiirka ka qeyb galaya shirka horu dhaca ah ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Sacuudiga joogo la kulmi doono qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Jaamacada Carabta, waxa uuna kala hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Warar kale oon heleyno ayaa sheegaya in marka uu shirka dhamaado Dowlada Sacuudiga dhax dhaxaadin ka dhax bilaabi doonto Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo xiriirkooda hada meel xun gaaray.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada DP Worl ugu gudbisay Jaamacada Carabta, waxaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Soomaaliya iyana jaamacada Carabta u gudbisay Dowlada Imaaraatka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada