Daawo: Farmaajo oo qiray in madaxda Somaliland ay si toos u wada hadlaan

Daawo: Farmaajo oo qiray in madaxda Somaliland ay si toos u wada hadlaan

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa daboolka ka qaaday in si joogta ah ay u wada hadlaan Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Biixi uu kala hadlay sida xal loogu heli lahaa dagaalka Gobolka Sool, taa oo uu sheegay inay u hirgashay.

‘’Arrintooda waan dhexgalay waana la hadlaa waxbadan ayaa nooga hirgalay’’

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siinaayay Telefeshinka Qaranka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay xitaa sida lagu qaboojin lahaa colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, balse ay isla fahmeen.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadatay sida lagu joojin lahaa dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay diyaar u tahay inay sii wado dadaalkeeda.

HOOS KA DAAWO WAREYSI GAABAN OO LALA YEESHAY FARMAAJO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada