Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Khayre & António Guterres? (Daawo Sawirro)

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Khayre & António Guterres? (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada