War Naxdin Badan:- Haweenay lagu dhex dilay gurigeeda Magaalada Baydhabo

War Naxdin Badan:- Haweenay lagu dhex dilay gurigeeda Magaalada Baydhabo

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in xalay gurigeeda lagu dhex dilay haweenay ka mid aheyd dadka ku nool Magaalada Baydhabo.

Haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin, ayaa lagu dilay xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee dhanka Bari Magaalada Baydhabo, sida Saraakiisha Booliska ay xaqiijiyeen.

Caatika, oo saygeeda uu yahay nin ka tirsan Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhex taagnaa iyada iyo saygeeda, waxayna dalbaneysay furriin, balse saygeeda oo la sheegay inuu ka tirsan ciidamada Shabaab uu diidanaa inuu furo.

Iyadoo murankaasi uu taagan yahay ayaa la sheegay in xalay Caatika gurigeeda loogu soo galay, kadibna xabado lagu dhuftay, waxaana baxsaday gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ee loo gaystay Caatika.
Saraakiisha Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ruux ay la xiriirinayaan inuu wax ka ogaa dilkaasi dhacay xalay ee loo gaystay haweenaydaasi.

Haweenayda la dilay ayaa maanta lagu aasayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolak Baay, waxaana arrintaan si wayn u hadal haayo dadka ku nool xaafadda dilka uu ka dhacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada