Ciidamada Amaanka oo Ganacta ku dhigay Askarii dilay Gabar Macalimad aheyd

Ciidamada Amaanka oo Ganacta ku dhigay Askarii dilay Gabar Macalimad aheyd

daajis.com:- Taliska ciidamada Booliska Dowlada Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dambeeyey dilka Safiya Cabdiraxmaan oo ehayd haweeney xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Askarigan oo markii hore baxsaday ayaa rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay la socotay Marxuumad Safiya C/raxmaan Faarax oo rasaastii haleeshay u geeriyootay, wuxuuna maanta isu dhiibay ciidamada dowladda isagoo sheegay inay rasaastu ka fakatay.

Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in askariga uu iskiis isugu dhiibay ciidamada, isla markaana uu sheegay inay rasaasta ka fakatay, isagoo maxkamada la soo taagi doono

Marxuumad Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka mid aheyd Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho, iyadoo wax ka baratay mid ka mid ah jaamacadaha dalka.
Dhinaca kale, Qoyska Safiya ayaa waxaa booqasho ugu tagay maanta Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax isagoo u sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka u geystay gabadhooda, isla markaana cadaalada la hor keeni doono.

Dilka sabab la’aanta ah ee loo geystay gabadhan dhalinyarada ah ayaa waxa aad uga naxay qeybaha bulshada oo illaa xalay si weyn u hadal hayey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada