Sawirro: Xubnihii ka haray Guddigii doorashada K/Galbeed oo sheegay in Doorashada xiligeeda ay dhaceyso

Sawirro: Xubnihii ka haray Guddigii doorashada K/Galbeed oo sheegay in Doorashada xiligeeda ay dhaceyso

daajis.com:- Illaa 12 xubnood oo ka soo horay guddigii doorashada Koonfur galbeed oo xalay badankood is casilay ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Maamulkaas aysan dib u dhici doonin, lana qaban doono xiligii loogu talo galay oo aheyd 17ka bishan.

Xubnahan oo goor dhow shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa guddoonka barlamaankana ka dalbaday inuu soo dhamaystiro tirada guddiga harsan si doorashada waqtigeeda u dhacdo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen xildhibaanada Baarlamanka ee Baydhabo ka maqan iney si deg deg ah ku soo xaroodaan.

Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood ayaa 15 ka mid ah waxay xalay ku dhawaaqeen iney iscasileen, waxaana ku jiray gudoomiyihii iyo gudoomiye kuxigeenkii guddiga, iyagoo sheegay in faragelin ka socota dhinaca dowlada awgeed ay shaqada iskaga casileen.

Hadalka ay soo saareen xubnaha ka haray guddiga doorashada K/galbeed ayaa ku soo aaday saacado ka dib markii odayaasha beelaha Koonfur galbeed ay shaaciyeen iney dib u dhacday doorashada, dibna laga soo sheegi doono xiliga la qabanayo.

Jahwareer Siyaasdadeed oo aan meel loo raaco laheyn ayaa ka taagan magaalada Baydhabo tan iyo markii uu xalay soo baxay warka sheegaya iney iscasileen inta badan xubnihii guddigii doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada