Turkiga oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan kiiska Jamal Khaashuqji

Turkiga oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan kiiska Jamal Khaashuqji

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baaritaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey.

Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha.

Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka.

Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yiri inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey.

Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina.
Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada