Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Shirkaas xaadiray ayaa isbuucii hore codsaday in lala Kulansiiyo Madaxweynaha Turkiga Raccep Dayib Erdogan,inkastoo Hogaamiyaha Turkiga uu diiday.
Waxa La arkayey Sawirro laga soo qaaday Shirkaas iyadoo Madaxweyne Erdogan oo wejigiisa Xanaaq ka muuqdo isla markaana Ag maraya Dhaxal sugaha Boqor tooyada Sacuudiga.
Erdogan ayaa ka careysan falkii foosha xumaa ee 60 cisho ka hor loogu geystay Waddankiisa Wariye Jamaal Khashoghi islamarkaana lagu Eedeeyey in Maxamed Bin Salmaan Abaabulay Khaarajintaas.
Sawirada ayaa lagu faafiyey Baraha Bulshada Ee Internet-ka kaas oo Erdogan uu salaanta ka qaadi waayey Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:07 and have
, Published at