Doqonkii Trump oo buuraha Golan Heights u aqoonsaday qeyb ka mid ah Israel

Doqonkii Trump oo buuraha Golan Heights u aqoonsaday qeyb ka mid ah Israel

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka doqon Donald Trump ayaa saxiixay wareegto uu buuralayda Golan Heights ugu aqoonsanayo qayb ka mid ah Israel.

Go’aankan Trump ayaa waxaa soo dhoweeyey Raisul Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu oo sheegay inaan dalkiisu marna ka tanaasuli doonin Golan heights, oo Suuriya ay uga qabsadeen Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda 1967-kii.

Trump ayaa dhowaan boggiisa Twitterla ku soo qoray in la gaarey xilligii si buuxda Golan loogu aqoonsan lahaa Israel.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu arintan ufa faaiideysto ololihiisa doorashada ee 9-ka Abriil ka dhaceysa Israel.

Ciidamada Israel ayaa sadex meelood oo labo haysata buuraleeyda Golan Heights, iyadoo 1981-kii ku dhawaaqday inay dhulkaa Suuriya ka goosatay, balse waxaa diidey QM oo ka soo saartay qaraarkii 497 iyo Beesha Caalamka.
Diidamada QM ayaa loo cuskaday Xeerka Caalamiga ah oo sharci darro ka dhigaya in dal soo duuley uu xeerarkiisa ka hirgeliyo dhul uu xoog ku qabsaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada